Faah faahino ka soo baxaya Howlgallo gaar ah oo ka socda deegaanka Goof gaduud

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxa ay howlgallo culus ay ka wadaan deegaanka Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Baay.

Deegaanka Goof-gaduud ayaa waxaa Labo maalin kahor ku dagaalamay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaas, waxaana ay sheegeen in 15 Askari oo ka tirsan Dagaalyanahada Shabaab in ay ku dileen dagaalkaas.

Maamulka deegaanka Goof-gaduud oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in howlgalada Labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka socdeen deegaankaasi.

Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgaladan balaaran lagu xaqiijinayo amaanka, islamarkaana looga hortagayay falalka amaan daro ee ka dhaca Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ugu dambeyntii maamulka deegaanka Goof-gaduu ayaa waxa ay shacabka ka dalbadeen in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka amaanka lidi ku ah.