Faah faahin Shil Gaari oo ka dhacay wadada Sayidka

0

Wararka inaga soo gaaraya Wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Gawaarida Raaxada ah uu halkaasi ku gadoomay.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday wadada KM4, isagoo ka yimid wadada Hooyooyinka waxaana markii uu marayay Agagaarka Madaxtooyada uu ku gadoomay halkaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala usheegay in shilkan uu ka dhacay wadada Sayidka, sidoo kalena ilaa iyo hada aan la xaqiijin karin dadka ku waxyeelobay shilkan.

Gaarigan ayaa rogmaday sida la sheegay kadib markii daraawalka uu xawaaro ku waday Gaarigaasi xilli wadooyinka ay yihiin kuwo mashquul badan.