Duqa magaalada Cadan oo dil ka badbaaday iyo Masuuliyiin ka hadashay

0

Duqa magaalada Cadan,Cayduruus Al-Zubeydi, ayaa maanta ka badbaaday isku dil, kadib markii Colonyo Gaadiid galbinaysay, lala beegsaday gari waxyaabaha qarxa lagu soo buuxiyay.

Masu’liyiinta amaanka Yeman, ayaa sheegay in Duqa magaalada Cadan uu bad qabo, wax dhibaato ahna ka soo gaarin dhacdadasi la doonayay in lagu khaarijiyo.

Cayduruus Al-Zubeydi, ayaa Duqa magaalada Cadan loo mgacaabay  6dii bishii Dicember sanadkii 2015, waxaana hadda Cadan Xarun kmg u ah, Dowladda Madaxweyne Abdi Rabbu Mansuur,oo dagal kula jirta Kooxda shiicada ah ee Xuutittinta ioo weli gcanta ku hayso caasimadii dalkaasi Yeman ee Sanca.

Lama oga ilaa hadda, cidda ka dambeysay  falkaasi isku dayga dilka ah ee looga takhalusi lahaa Duqa Gobolka Cadan Cayduruus Al-Zubeydi.

yaahu-640x360