Dowladda oo cambaareysay weerarkii ka dhacay Faransiiska

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Xalay weerarkii xalay lagu qaaday meel dad badan ay ku caweynayeen oo ku taala magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Ugu yaraan 84 ruux oo qaarkood caruur ay yihiin ayaa dhintay kaddib markii Gaari xamuul ah la jiir siiyay dad u dabaal degayay munaasabadda Maalinta Bastille.

C/salaan Hadliye Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii dad badan ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliyeayaa sidoo kale sheegay in aan sinaba loo diidi karin in dhacdadani ay ahayd weerar argagixiso.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay dowladda Faransiiska iyo shacabkeeda.

Raii’sul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeyso ururka Daacish, sidoo kalena waxa uu ku dhawaaqay Saddex maalmood oo aas Qaran ah oo Sabtida ka bilaabanaysa.