DHAGEYSO WAREYSI:-Wasiir Hadliye oo ka hadlay Arimo Xasaasi ah oo ku saabsan AMISOM

0

 

Waxaa magaalada Kigali Ee Xarunta Waddanka Rwanda lagu soo gaba gabeeyey Shirkii Madaxda Waddamada Africa iyadoo Soomaaliya ay ka qeyb gashay Shirkaasi.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa Dawlada Soomaaliya ufadhiyey Shirka isagoo tibaaxay in laga hadlay Arimo kala duwan oo ay ka mid aheyd Tacadiyada AMISOM ay ka geystaan Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmay shirka kadib Madaxda Africa ayna isku waafaqeen sii joogitaanka Ciidanka AMISOM Somaliya inta laga dhisayo Awood Ciidan oo Dalku yeesho.

Wareysi uu siiyey Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliya ayuu ka sheegay inay Al Shabaab Waqtigoodii dhamaaday ayna ka go’an tahay la dagaalankooda.

Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Uqaabilsanaheeda Hadliye ayaa amaanay isbadelka quruxda badan ee Caasimada Muqdisho ku tallaabsatay Seddex sano kadibna hormar ka muuqdo.

HALKAAN KA DHAGEYSO