DEG DEG:-Diyaarad Dab ku qabsaday Hawada+Khasaaraha

0

Waxa lasoo warinayaa in Diyaarad ay Sacuudiga leedahay uu dab qabsaday xilli ay hawada ku jirtay waxaana soo baxaya warar dheeraad ah.

Shilkaan ayaa dhacay Subaxnimadii Jimcaha oo Saaka aheyd waxaana la ogeyn ilaa hadda dabka iyo waxa sababay xilli diyaarada ay dul mareysay ka hor inta aysan dhulka kusoo dhicin Galbeedka Caasimada Dalka Yeman Ee Sanca.

Inta la xaqiijiyey Diyaaradaasi oo nuuceedu aheyd F-16 waxa ku dhintay duuliyihii ka xeenayey waxaana bur burka diyaarada laga helay Degmada Nihm Ee Magaaladda Sanca.

Sacuudiga ayaa Yeman ujooga la dagaalanka Kooxda Shiicada Xuuthiyiinta ee Dawlada yeman dagaalka kala soo horjeeda waxaana Dawlada Sacuudiga oo hogaamineysa Isbaheysiga lagu caawinayo xukuumada Sanca ay khasaaro kala kulantay dagaalkaasi.