Dawladda Bangladesh oo wax lagu farxo sameysay maanta iyo Madax soo dhaweysay

0

Hay’ad ay maamusho dawladda Bangladesh ayaa diyaarisay wacdi ay ku cambaaraynayso xagjirnimada magaca islaamka loo adeegsado.

Masaajidda waddanka ku yaalla oo dhanna ayayna waydiisteen in ay u isticmaalaan khudbada salaadda jimcaha.

Hay’adda Islamic foundation oo nidaamisa hay’adaha diiniga ah ayaa sheegaysa in ay rajaynayso in dhamaanba iimaamyadu ay adeegsan doonaan farriintan, ama ay ka shidaal qaadan doonaan.

Isla markiiba ma aysan kala caddaan inta farriintaas ogolaatay.

Qayb ka mid ah farriinta, ayaa lagu soo xigtay nebi Muxamed oo leh Dambiga dambiyada ugu wayn waa in la dilo qof bani’aadam ah.