DAAWO SAWIRADA:- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta oo la kulmay Ardayda wax ka barata Dalka Kapan

0

Wafdi uu hogaaninayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Shiekh Cali “ Qaloocoow” ayaa la kulmay Ardayda dhigata TICAD ee Dalka Japan.

Wasiir ku Xigeenka ayaa warbixino ka dhageystay Madaxda Jaamacada, waxayna sidoo kale ugu sheekeeyeen qaabka ay wax ku bartaan Ardaydaan Soomaalida ah.

Wasiir Ku xigeenka ayaa uga wajaabay su’aalaha ay waydiiyeen ardayda ee ku qotamay xaalada dalka, isgoo u sheegay xaalada dalka in haatan ay mareeyso meel wanaagsan , horumar ballaaran la gaaray sanadahii dambe sida dib u dhiska hay’adda dowladda, malgashi  fara badan ay sameynayaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib uga soo laabtay.

Wasiir ayaa  dhinca kale ardayda sharaxaad  ka siiyay halka uu  marayo qorshaha horumarinta qaranka somaaliyeed oo muddo ka badan 30sano ka dib  in dalka uu sameysto qorshe seddaxda sano ee soo socata, iyadoo ay ku cad yahiin waxyaabo fara badan oo dalka muhiim u ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3