DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Soomaaliya oo daah furay Ciyaaraha gobolada Dalka

0

Galabta Garoonka kubada ee Banaadir Stadium waxaa si toos ah uga furmay Tartanka kubada cagta Maamul Goboleedyada dalka, waxaana Tartanka sanadkan maalgelinaya maamulka gobolaka Banaadir.

Munaasabada Tartankan lagu furayay waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Tartankan uu u leeyahay ahmiyad gaar ah maadaama Tartankan ay ka soo muuqanayaan cayaartoy mataleysa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya ilaa iyo Lix maamul oo kala ah Banaadir, Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maamul ah.

Isku aadka Tartankan ayaa waxaa loo qeybiyay ilaa 2 oo kala ah Group A iyo Group B.

Groupka A, ayaa waxaa ku wada jira Puntland, Banaadir iyo Koonfur Galbeed. Halka Groupka B ay ku wada jiraan Jubbaland, Galmudug iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maamul ah.

Galabta waxaa Tartankan lagu furay Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo si weyn ugu soo diyaar garoobay kulankan.

Tartankan guushii ugu horeysay waxaa galabta gaartay Banaadir, waxaana ay ku adkaatay 5 iyo 0 oo Koonfur Galbeed looga awood roonaaday,

Maalinta beri ah ayaa waxa wada cayaari doona Jubbaland, iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ku wada jira Groupka B.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

13645335_1737193426519409_8349910380179476751_n 13654186_1737192346519517_3897537680708477837_n 13654266_1737193336519418_8339178410487731574_n 13654271_1737191233186295_5311804841561221971_n 13669003_1737194506519301_3034054900858567444_n 13669108_1737190583186360_8216860567916823718_n 13669592_1737192266519525_2211284649134511144_n 13669615_1737190326519719_429500246784854131_n 13669636_1737192739852811_5886707109800426217_n 13680632_1737190263186392_2480157312155080312_n 13680730_1737190476519704_6598450828696113793_n 13690753_1737192129852872_3801928331381484213_n 13697035_1737193053186113_8474074091715001247_n 13697058_1737190626519689_778929791669455694_n 13697067_1737190549853030_2146167434839344154_n 13697190_1737193306519421_8214772742570292333_n 13697270_1737191586519593_5194031262310269555_n 13700094_1737192263186192_6577730457038120244_n 13700129_1737192999852785_3996105906518243382_n 13707549_1737191453186273_494907005035277551_n 13707582_1737192849852800_7360441148392776049_n 13729192_1737192516519500_7109748823184736545_n 13754081_1737192856519466_5389250119100252415_n 13754265_1737192959852789_8614765605390721640_n