77 Qof oo ku dhimatay Faransiiska ka dib markii Gaari Xamuul ah la jiirsiiiyay

0

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay 77 qof ay ku dhinteen ka dib markii gaari xamuul ah la jiir siiyay dad u dabaaldegayay munaasabadda Maalinta Bastille, taasoo ka dhacaysay magaalada ku taalla koonfurta Faransiiska ee Nice.

Dacwad oogaha Nice, Jean-Michel Pretre, ayaa sheegay in gaariga uu xawaaro dheer dadka ku dhexmarayay masaafo laba kilo mitir ah, ka hor inta aanay boolisku toogasho ku dilin darawalkii waday.

Gudaha gaariga ayaa waxaa laga dhex helay hub iyo bambooyin.

Waxaa hadda baaritaanka goobta ay wax ka dhaceen la wareegay askarta argagixiso la dagaallanka.

Madaxweyne Hollande ayaa shaaciyay in Faransiiska uu kusii jiray xaaladda degdeg ah, isla markaana kumannaan milateri iyo boolis isugu jira ay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka dalkaasi.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegeysa in warqado aqoonsi oo gaariga laga dhex helay ay muujinayaan in darawalka uu ahaa Faransiis asal ahaan Tunisia kasoo jeeda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.