XOG+KASHIFAAD:- IGAD oo wada Qorshe halis ku ah Hiiraan iyo Odayaasha oo Dalbaday in Labo Gobol loo qeybiyo Hiiraan

0

Iyadoo dhawaan Magaalada Baladweyne ay kulan ku yeesheen Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD iyo Odayaal dhaqameedka Gobolka Hiiraan islamarkaana Odayaashaasi ay hor dhigeen Wafdiga Shuruudo ay ka mid tahay in Hiiraan 2 Gobol laga dhigo ayaa arrintaas waxaa wax aan suura gal ahayn ku tilmaamay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Daahir Amiin Jeesow ayaa xusay in horay loogu hungoobay arrintaasi , dadaal dheerna ay u galeen sidii Hiiraan labo Gobol loogu qeybin lahaa balse taasi ay suuro geli weysay isagoona ka dalbaday Waxgaradka reer Hiiraan in ay tanaasul sameeyaan si loogu guuleysto dhismaha maamulka Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhanka kale beeniyay in maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay la wareegeen Urur Goboleedka IGAD , waxaana uu sheegay in IGAD kaliya ay ku dadaalayaan sidii ay meel isugu keeni lahaayeen Ergada isku Khilaafsan Shirkaasi.

Inta badan Ugaasyada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ka biyo diidan yihiin ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kaas oo waqti dheer Gogoshiisa ay ka fidsantahay Magaalada Jowhar.