XOG XASAASI AH:- RW Sharmaake, M/weynayaashii hore ee Somalia & Puntland oo yeeshay kulamo xasaasi ah!!

0

Saxaafada ayaa ogaatay in uu jiray kulan Saxaafada laga dheereeyey oo si gaar ah u dhexmaray Madaxweynihii hore ee dawladda Faderaalka Shariif Sheekh Axmed, Raysalwasaaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake & Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Kulankan ayaa ka dhacay Hotelka uu magaalada Dubia ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana si adag dhinacyadan ay diirada u saareen Arrimaha doorashada laga filayo Soomaaliya dhawaan.

Sadexdan Siyaasiba waxaa la Og ahay in ay yihiin musharaxiin u taagan Madaxweyne-nimada Soomaaliya doorashada dhawaan dhacaysa, waxaana shaki saarneyn in ay midow Siyaasadeed hadda muuqanayso.

Waa markii labaad oo ay is arkaan, gaar ahaana horey Jabuuti ayay iskugu arkeen Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Faroole, waxa ayna uga wada hadleen arrimaha Iskaashiga labadooda dhinac.

Shariif Sheekh Axmed & Cabdiraxmaan Faroole labadaba waxay doonayaan in ay midow siyaasadeed u noqdaan Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana aan la ogaan Karin waxyaabaha ka soo bixi kara kulamadan.

Nin kastaba wuxuu dhiniciisa u raadinaya Xildhibaanada uu hadda haysto Musharax kastaa, iyadoo aan wali la xulin xidhibaanada cusub, haddana wey iska cadahay qof kasta rajada uu ka qabi karo tartag ee doorashada Soomaaliya.

Saraakiil ku dhaw dhaw Ra`iisulwasaare Sharmaake ayaa u sheegay Saxaafada in uu jiray is faham daro u dhaxeysay Madaxweynihii hore ee dawladda Faderaalka Shariif Sheekh Axmed & SHarmaake, balse hadda la dhameeyey ka dibna loo diyaarinay qorshe cusub oo la xariira doorahsada dhawaan la filayo.

Sidda hadda muuqata Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wajahayaa marxalad adag oo xasaasi ah, hadii ay dhab noqoto in sidaas oo kale ay jiraan Siyaasiin kale oo isku raacsan in hadda uusan mar kale kusoo laaban Xaafiiska Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa ah mid aan daganeyn, waxaana hadda lagu jiraa marxalad adag oo siyaasadeed, maadaama waqtiga lagu jiro uu yahay kala guur siyaasadeed, ayna arrimo badan ciyaarayaan madaxda Siyaasadda ee Soomaaliyeed.