XOG RASMI AH:- Dowladda Soomaaliya iyo IGAD oo Heshiisiinaya Koofur Galbeed iyo Bakool sare

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Jaamac Mursal “Geelle” ayaa gaaray magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, si ay ugu kuur galaan xaaladda deegaanada hoos yimada degmada Ceel-Barde, sida Yeed iyo Aato.
Ujeedka Wafdiga Wasiirka, ayaa ahaa sidii loo soo af-jari lahaa khilaaf u dhaxeeya Dowlad gobaleedka Konfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka lagu magacaabo bakool sare oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceel-barde.
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah wakiilka uruur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Am Maxamed Cabdi Afeey, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiin Xilala kala duwan hore uga soo qabtay Soomaaliya.
Mudane Maxamed Jaacac Mursan oo ka hadlay Socdaalka Degmada Ceelbarde ayaa ammaanay nabad galyada ka jirta deegaanka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wax lagu farxo ay soo baxaan kulan uu la qaatay maamulka iyo odayaasha deegaanka, lana qaato farriinta nabadeed ee ay u sidaan, wadahadlna ay u diyaar garoobaan siyaasiyiinta dhaawan ku dhawaaqay maalmul deegaanadaasi u gaar ah.
“Baahidiina Dowladda Fedaraalka wey dhageysatay, Madaxweynaha Soomaaliya, Urur Gobaleedka IGAD, iyo Beesha Caalamkuba wey ogyihiin waxa aad ka cabaneysaan, maaml gobaleed marka la dhisayo shuruuc ayay leeyihiin Dastuurka dalkuna wuu qeexayaa, waxaan idinka dooneynaa in aad u diyaar garoowdaan wadahadal u dhexeeya maamulka aad dhisateen iyo dowlad gobaleedka Koofur galbeed, wixii cabashadiina ahna aan halkaas ku dhameyno sin nabad ah” ayuu yiri Wasiir Geelle.
Danjiraha Ururu Gobaleedka IGAD, Mudane Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay leeyihiin in wada hadal lagu dhameyo khilaafka u dhexeeya bulshada iyo siyaasiyiinta Bakool Sare iyo Dowlad Gobaleedka Koofur Galeed Soomaaliya.
Danjire Afeey, wuxuu kulanka ka sheegay in IGAD ay fududeeneyso wadahadalka dhex mari doona siyaasiyiinta deegaanka Ceelbarde iyo dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Xigasho SONNA