XOG:- Doorashada 2016 & Xog Cusub oo Helnay

0

Waxaa xilligaan oo kale Sanadkii 2012-kii Dalka Soomaaliya ka jiray Isbadel ballaaran,magaalada Lacag badan ayaa ku jirtay,dadku waxay safaf ugaleen taageerida shakhsiga ay islahaayeen waa uu uqalmay qabashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Afar Sano ka hor Xamar Amni ahaan hadda iyo Xilligaas dadka qaar waxay aaminsan yihiin in markaasi ay wanaagsaneyd inkastoo dhismayaal qurux badan hadda la dhisay magaalada Ifayso walaw amniga uusan aheyn mid sidii la rabay gaaray.

Siyaasiyiinta qaarkeed waxay fekir ahaan qabaan in hadda Dalka Doorasho loo mahdiyo ka qabsoomi Karin bil kadib saan saanteeda iyo Aamusnaanta jirta.

Ololaha Jira ee doorashada Soomaaliya ka dhici doonta maahan sidii la filayey maadama Muqdisho iyo Gobollada kale waxa ka Jira hurdo iyo inay doorasho jirta oo ay kala socdaan qalabka warbaahinta keliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Madaxweynaha Dalka ayaa mar kale doonaya kursiga xukunka inu kusoo laabto isagoo doorashada soo socota la kulmaya Siyaasiyiin ka miisaan culus dagaal iyo Dood Afeedna dalka soo geliyey.

Xubnaha cariiriga gelin doona Xasan Sheekh waxa ka mid ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo siyaasad ahaan isku dhaw yihiin beycana ku galeen inay is taageeraan Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah Madaxa Hay’ada CRD oo isna Murashax ah sanadkaan.

C/raxmaan Maxamed Faroole oo hore usoo noqday Madaxweynihii Puntland ayaa Dalalka Khaleejka hadda ujooga hiil uu ka helo dadkiisa si ay lacago farqaha ugu shubaan doorashadana uu kusoo aado.

Dhowr murashax oo Aqoonyahano dibada ka imaanaya ayaa iyaguna waxay doonayaan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya iyadoo hadii ay guul dareystaana dib ugu laaban doona Dalalka ay Baasabooradooda wataan.

R/wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  ka mid ah dadka uhanqal taagaya xilkaan hogaaminta Dalka marka si loo eegana waxqabadkiisii iyo Kasbashada Shacabka Soomaaliyeed cid uga dhawaan laheyd ma jirin hadii Cod Madaxweynaha lagu soo dooran lahaa oo dadku ay Sanaadiiqda warqadaha codeynta gelin lahaayeen.

Ilo madax banana ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna Madaxweyne kasoo noqday Soomaaliya uu mar kale doonayaa inuu kursiga ku fariisto walaw siyaasad ahaan ninkaani lagu jahwareeray kana gaabsaday afartii sano ee lasoo dhaafay inuu Somaliya iyo Siyaasadeed ka waramo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku darso Aqoontiisa waa uu soo dhisay oo intii aad ku ogeyd maahan markaan waana mid uheegan ah qabashada kursiga qaalma rogodka dadka qaar ay ugu jiraan sidii ay ugu fariisan lahaayeen.

Soomaaliya ayaa la saadaaliyey hadii xukunka murashaxiintaan midkood uu kusoo baxo in Xaalad kale geli karto oo dagaal iyo dhiig daata laga cabsi qabo.