WAR DEG DEG:- Wasaaradda Amniga oo sheegtay in Gaari hub iyo walxo Qarxo siday ay qabteen

0

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdikaamil Macallin  Shukri  oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Howlgallo Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho oo  uu sheegay  in ay ku soo qabteen Gaari nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen Walxaha Qarxa iyo weliba Hub.

Waxa uu Afhayeenka carabka ku adkeeyay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo Ciidamada ay Bartilmaameed ka dhigteen meesha uu yiilay Gaarigaasi nuuca raaxada ah ee Walxaha Qarxa iyo Hubka ay saarnaayeen ayna u suura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Sidoo kale Cabdikaamil Macallin Shukri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dad ay  la xiriirinayaan Gaarigaasi ay Ciidamada Ammaanku gacanta ku dhigeen ay iyaguna soo qab qabteen.

Ma sheegin  Afhayeenku Cadada dadka uu sheegay in Kiiskaas loo qabtay ee howlgalkaasi lagu soo qabtay.

Marka laga reebo sheegashada Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ee  Gaariga iyo dadkaasi la qabtay ma jirto ilo Madax banaan oo Shabelle u xaqiijiyay xaqiiqaqda warkaas blasé inta badan Wasaaradda Amniga ayaa sheegta in weeraro iyo Qaraxyo ay fashilisay walow sheegashadaasi aysan dhimin weerarada Al Shabaab.