WAR DEG DEG:- Shirar gaar gaar ah oo ka socda magaalada Beledweyne

0

Wararka saakay ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in kulamo gaar gaar ah ay magaaladaasi ku yeelanayaan Duubabka Dhaqanka gobolka Hiiraan.

Todobaadkan gudihiisa magaalada Beledweyne waxaa kulan ku yeeshay xubno ka socday urur goboleedka IGAD iyo Waxgaradka Hiiraan, iyadoo kulankaas ay yeesheen aysan ka soo bixin natiijo la taaban karo.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo halkaasi u gaaray sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dhameystirka shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Urur goboleedka IGAD ayaa Duubabka Dhaqanka Hiiraan siiyay ilaa iyo mudo 5 maalin ah oo ay dib isugu laabtaan Waxgaradka Hiiraan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo laga sugayo go’aanka ay soo gaaraan.