WAR DEG DEG:- Nin Hubeysan oo dilay Saraakiil Boolis,kuwo kalena ku heysta Saldhigga dhexdiisa

0

Nin Hubeysan ayaa toogasho ku dilay Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya,waxaauu sidoo kale nolosha ku qabsaday kuwo kale,waxaana uu ilaa hadda gacanta ku hayaa Saldhigga Booliska  degaanka  Kapenguria ee Dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Booliska degaankaasi Charles Owio,ayaa sheegay in Ninkaasi uu ka tirsan yahay Al-shabaab,islamarkaana Ciidanka Amaanka ay u dhawaan la’yihiin isaga oo adeegsanaya rasaas badan darteed.

Wargeyska The Star ee Kenya ,ayuu u sheegayt afhayeenka in Ninkaasi uu ka tirsan yahay Al-shabaab ,haddana uu gacanta ku hayo Saldhigga Kapenguria, ee degaanka West Pokot.

Ciidanka gaarka ah ee Kenya ee loo yaqaan GSU,ayaa ku howllan in ay xaaladda soo afjaraan,inkasta oo uu Afhayeenku sheegay in arrinta ay aad u cakiran tahay.

“Lama  oga waxa ay ku suganyihiin Ciidankii uu gudaha Saldhigga ku qabsaday Ninkaas,Rasaas ayaana dhaceysa” ayuu yiri Charles.

Sidoo kale Afhayeenka guud ee Booliska Kenya ,Joseph Boinnet ,ayaa xaqiijiyay in uu weerarka socda ilaa hadda Ciidanka GSU-na ay ku howllanyihiin in ay soo gaba gabeeyaan weerarkaasi.