WAR DEG DEG:- Meydka Ruux Dhalinyaro ah oo lagu arkay Beledweyne

0

Sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee magaalada Beledweyne Meydka Ruux Dhalinyaro ah ayaa saakay lagu arkay deegaanka Ceel-jeelow oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ninkan oo ah Qof Dhalinyaro oo si weyn looga yaqaanay magaalada Beledweyne ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdule, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in uu la shaqeynayay Hay’adaha NGO-da.

Ilaa iyo hada lama oga cida dishay ninkan laakiin waxaa la sheegay in looga yeeray deegaanka Ceel-jeelow, waxaana loo sheegay in loo heysto Dacwad.

Ehelada Marxuumkan ayaa sheegay markii ugu dambeysay wiilkooda in uu usheegay in Dacwad loo heysto loogana yeerar deegaankaa Ceel-jeelow ee gobolka Hiiraan, laakiin waxaa saakay soo baxday in la dilay oo Meydkiisa lagu arkay deegaanka Ceel-jeelow.

Ehelada oo warbaahinta ay la xiriirtay ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay hada in ay tagaan halkaasi oo Meydka wiilkoda ka soo qaataan si ay u aastaan.