WAR DEG DEG:- Galmudug oo qabatay Gaari dharka ciidanka u waday Al-Shabaab

0

Saraakiisha amniga ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Gaari dharka ciidanka dowladda uwaday Al-shabaab.

Gaarigan oo lagu qabtay meel udhow magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Gaalakacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Saraakiisha ayaa warbaahinta usheegay in Gaarigan uu waday Labiska ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in dharkaas ay uwadeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaanan weli faah faahin dhameystiran ka bixinin Gaarigan dharka ciidanka dowladda uwaday Al-shabaab.