TOP:- Xerada Dhagaxleey oo War La Yaab leh Ka Helayno

0

Maalmahan Dambe waxa aad looga dareemayaa dadkuna hadal hayaa Xerada Qaxootiga Dhagaxleey Bus ama Dabeylo ka Jira deegaankaasi.

Qof Tahriib kusoo ahaa Dhagaxleey oo maalmo ka hor soo gaaray Nairobi ayaa inoo sheegay in baabuurta ka timaado IFO ilaa dhagaxleey isku socodkeedu aad u adkaaday dabeysha jirta awgeed.

Wariyeyaal ka yimid dhinacaasi Xeryaha Qaxootiga oo iyaguna soo maray Dhagaxleey ilaa IFO banaankeeda waxay xaqiijiyeen in busta ama siigada kaceysa aanay dadku xamili Karin sida ay usiyaaday awgeed.

Dhalinyarada ayaa bilaabay inay madaxa ku xirtaan maro ama Ookiyaale (Indho gashi) si ay uga bad baadaan dabeysha xawaaraha sare ku socota ee Xeradaasi ka jirtay maalmahan dambe.

Waxa qaarkood dadku ay si kayara duwan sidii hore ay udareemayaan busta markii lasoo gaaro busteejada baabuurta ka baxaan iyo suuqa walaw qudheedu ka jirto Dabeysha,