TOP DHAGEYSO:- Faroole oo kala dhex geli doona Madaxweyne Gaas iyo C/samad Gallan

0

Madaxwaynihii hore ee Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo maanta dib ugu soo laabtay Boosaaso ayaa ka hadlay Arimaha khilaafka Gallan iyo Madaxwaynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole Madaxwaynihii hore ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka udhaxeeya C/samad Gallan iyo Madaxwaynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Waxauu sheegay in kaalintiisa uu ka qaadan doono xal u helista khilaafka ka dhextaagan cabdisamad Gallan iyo Madaxwaynaha maamulka Puntland, waxaana uu tilmaamay in berri ay bilaabi doonaan isaga iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Boosaaso sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhextaagan Labadan dhinac.

Waxaa uu sheegay Madaxwaynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole in muhiim ay tahay ilaalinta Amniga iyo xasiloonida Puntland.

Dhowaan ayay aheyd markii C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole Madaxwaynihii hore ee maamulka Puntland uu si cad usheegay Musharax utaagan xilka Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO