TOOS U DHAGEYSO:- Ugandha oo Cabsi xoogan soo wajahday iyo Ciidamada amaanka oo Heegan la geliyay

0

Dowladda Uganda ayaa adkeysay amaanka dalkeeda, iyadoo heegan gelisay ciidamada amaanka wadankaasi si ay uga hortagaan weeraro Argagixiso oo ay geystaan kooxaha Al-qaacida iyo Al-shabaab.

Dowlaada Uganda oo ka mid ah wadamada deriska la ah Kenya qeybna ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa wada qorshayaal lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay dowladda Uganda Ufuna Ubuda ayaa sheegay in heegankii ugu sareeyay la geliyay ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka ee dalkaasi, taasi oo ay kaga gaashaamanayaan weeraro argagixiso.

“Waxaan qaadnay talaabo muhiim ah ciidamo dharcad ah iyo kuwo kale ayaanu dhignay goobo kala duwan,  waxaana ugu badan goobaha ay dadku ku badanyihiin  si aan u fashilino weerarada argagixisada’’ ayuu yiri Afhayeenka Ufuna Ubuda.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dowladda Uganda aysan qorshaha ugu jirin iney ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taas bedelkeedana wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ku dadaaleyso sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada.

Tan iyo markii Shabaab ay sheegatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa sii kordhayay walaaca ay arintaasi ka qaban wadamada caalamka.

HALKAAN KA DHAGEYSO