TOOS U DHAGEYSO:- Jubbaland oo Mamnuucday VOA-da & Telefeshino

0

Maamulka Jubbaland ayaa lagu Eedeeyey inay Afka ka qabatay Wariyeyaal dhowr warbaahin uga ahaa Wakiil Wareed Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Wariyeyaasha Shaqo joojinta lagu Sameeyey ayaa waxay kala yihiin:

Khadar Maxamuud Xareed oo wakiil u ah Idaacada VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga

Maxamed Qaasim Waxar oo Kismaayo uga soo hadla Idaacada Star FM

Aadan Maxamed Salaad (Kismaayo) oo wakiil u ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya

Iyo C/qaadir C/raxmaan Jiijiile oo isna ah Wakiilka Tv-ga Somali Cable Ee Kismaayo

Afartaan Saxafi ayaa lasoo warinayaa in Maamulka Jubbaland uu Xabsiga utaxaabay Shalay hase ahaatee lasii daayey Xalay Maqribkii waxaase lagu war geliyey inaysan shaqadii Warbaahineed sii wadan Karin.

Maxamed Qaasim Waxar iyo C/qaadir Jiijiile oo ka mid ah Saxafiyiinta la af qabtay ayaa warbaahinta Muqdisho qaarkeed wareysi ay siiyeen waxay ka hadleen Amarka la dul dhigay iyo sida uu usaameyn doono howshoodii Saxaafadeed ay ka hayeen Kismaayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO