Tahriibayaal Soomaali ka ambabaxday Kenya oo lagu qabtay Xadka Uganda

0

10 qof oo Soomaali ah ayaa lagu qabtay Degmadda Busia ee dalka Uganda, kuna dhow xuuduudka uu dalkaasi la wadaago Kenya.

Dadkaasi ayaa la qabtay. Kadib, markii ay dadka Deegaanka ku wargeliyeen Boliska arrintaasi, sida uu sheegay Taliyaha Boliska Degmadda Busia, Nelson Nahabwe.

Telefishinka NTV Uganda ayaa baahiyey Sawiradda Tahriibayaasha Soomaalida la qabtay, iyadoo Muuqaalka laga arkay ugu yaraan 2 qof oo dumar ah.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadkaasi ayaa laga helay Waraaqaha Aqoonsiga Qaxootinimadda Xeradda Dhadhaab, waxaana lagu wareejiyey Saraakiisha Hay’adda UNHCR u jooga dalka Uganda.

Tan iyo markii ay Dowladda Kenya ku dhawaaqday in la xirayo Xeradda Dhadhaab, waxay qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida bilaabeen inay u soo tahriibaan dalka Uganda, si ay uga helaan Magangelyo Qaxootinimo ama ay uga sii gudbaan dalalka kale.