Ra’isalawaaraha UK ayaa ku dhawaaqday Golaheeda Wasiirrada

0

Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, Theresa May ayaa u magacowday Boris Johnson, xoghayaha arrimaha dibedda.

Mr Johnson oo ah duqii hore ee London ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Ninka jagadaasi hayay ee Philip Hammond, ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda, halka Amber Rudd ay noqoneyso xoghayaha arrimaha gudaha.

Ra’iisul wasaare May ayaa samaysay wasaarad cusub oo shaqadeedu tahay hannaanka ay Britain uga bixi lahayd Midowga Yurub, waxaana wasiir ka ah David Davis.

Michael Fallon ayaa loo daayay xilkiisa ah xoghayaha difaaca, halka Liam Fox loo dhiibay wasaarad cusub oo ku shaqa leh ganacsiga caalamiga ah.

Markii ay gaartay aqalka Downing Street, ayaa Mrs May waxa ay wacad ku martay in ay hogaamineyso dowlad u shaqaysa dadka oo dhan.

Waxa ay ka hadashay baahida loo qabo in uu midoobo xisbiga Conservative-ka ka dib aftidii uu dalkaasi u qaaday Midowga Yurub.