Madaxweynaha oo Tababar ufuri doona ciidamo Boolis ah

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay lagu wadaa in uu tababar uga furo dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye in ka badan 200 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Saraakiil ciidan, xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda iyo marti sharaf kale.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa sheegay in ujeedka furitaanka Tababarkan uu yahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidanka Booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

Ciidamadan cusub ayaa marka ay dhameystaan tababarkani waxaa kuwooda ugu firfircoon loo diri doonaa dalka dibadiisa.