Maamulka Sh/Hoose oo ciidanka kula dar daarmay in ay sugaan amniga

0

Gudoomiyaha gobolka shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa waxaa uu kormeer ku tagay Caawa Difaacyada hore ee ciidamada xoogga dalka ay kaga jiraan duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ciidamada xoogga kula dar daarmay in ay amniga adkeeyaan si daacad ahna ugu adeegaan Qaranka kana fogaadaan wax kasto oo dhib ku ah dadka ku dhaqan goobaha ay joogaan una ixsaan falaan.

Ibraahim Aadan Cali oo maalintii labaad booqasho ku joogo isaga iyo Maamulka cusub ee loo magacaabay magaalada Baraawe ayaa waxaa uu kulumo la qaatay Odayaasha Dhaqanka Dagmadaasi waxuuna kala hadlay sida ay ula shaqeen lahaayeen maamulka cusub ee dagmada loo soo magacaabay .

Maanta ayaa lafilayaa in maamulka cusub ee loo soo magacaabay dhawaan dagmadaasi uu si rasmi ah ugula wareego xilkaasi maamulkii horey halkaasi ugu arimin jirey, waxaana lagu wadaa in ay ka soo qeeb-galaan qeybaha kala duwan ee Bulashada halkaasi ku dhaqan.