Hay’ad fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa ka digtay in Dhallinyarada Zanzibar ku biiraan Al-shabaab

0

Celcelis ahaan dhallinyarada Zanzibar da’doodu waa  16 jir  waxaana haatan looga baqayaa dhallinta dalkaa inay kubiiraan ururada hubeysan ee gobolka sida Xarakada Al-Shabaab.

Sidaa waxaa sheegtay xarun Mareykanka ku taala oo daraasaadka samaysa. Waxay intaas ku dartay in sababtu tahay faqri baahsan iyo shaqooyinka oo tiro yar.

Zanzibar ayaa ah jaziirad ay ku nool yihiin 1.2m oo qof. Waxaa kunool dad kasoo kala jeeda Cumaan iyo dalalka kale ee Carabta, Hindiya iyo Iran iyo dad Afrikaan ah oo ayagu asalkii hore dagi jiray jaziiradaa.

Zanzibar ayaa la midowday Tanganyika sanadkii 1964 markaa oo ay la wada baxeen magaca Tanzania. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo reer Zanzibar ah ayaan aad ugu qanacsanayn midowgaa gaar ahaan waqti xaadirkaan.

Zanzibar ayaa leh labo jaziiradood oo waaweyn oo kala ah Unguja iyo Pemba. Waxaa dalkaasi Zanzibar leeyahay madaxweynihiisa iyo baarlamaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka ayaa lagu murmaa in badan cida ku guuleysata iyo mucaaradka. Sanadkii 2000, ku dhawaad 35 qof ayaa dhintay kadib markii boolisku ku fureen rasaas mudaaharaadeyaal kadib markii doorasho dhacday lagu murmay.

Dad ayaa xiligaa qaxay oo gaaray Muqdisho Soomaaliya halkaa oo qaxootigaa reer Zanzibar ay muddo dheer kunoolaayeen ayadoo la ogyahay Soomaaliya xaalada amni darro ee kajirtay gaar ahaan xilligaa ay halkaa u qaxeen.

Si kastaba ha ahaatee, intoodii badnayd qaxootigaa ayagoo nabad ah ayay usoo guryo noqdeen dalkooda Zanzibar sanado badan kadib, salaaman aaminan! Waxay sheegeen in abaal badan Soomaalida guud ahaan iyo shacabka Muqdisho ay u galeen, halkaa inay ka shaqeysan jireen ayay sheegeen ammaan badana waa ay usoo jeediyeen Soomaalida.

Isku dhacyo dheeraad ah ayaa jiray sanadkii 2005 Zanzibar. Xiisad ayaa soo shaac baxday sanadkii lasoo dhaafay kadib markii guddiga doorashadu buriyay doorashadii guud gaar ahaan bishii Oktoobar kadib markii uu sheegay in wax lais daba mariyay.

Murashaxii mucaaradka Maalim Seif Sharif Hamad oo ka tirsan xisbiga Civic United Front ayaa shaaca ka qaaday inuu asagu jagada madaxweynenimada ku guuleystay.

Asaga iyo xisbigiisu waxay qaadaceen in doorashada dib loogu noqdo bishii Maarso ee sanadkaan hadii la qabatana ay ka harayaan.

Markii lagu noqday doorashadaa ayaa 91% waxaa ku guuleystay murashaxa xisbiga talada hayay ama haya ee lagu magacaabo Chama Cha Mapinduzi, waa ninka lagu magacaabo Cali Maxamed Shein.

Khilaafaatka doorashooyinka ka dhashay ayaa laga cabsi qabaa inay keenaan sidoo kale xagjirnimo, waa sida hadalka loo dhigaye.

Fatma Karume, waa gabar uu awoowe u yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee Zanzibar. ”Zanzibar waligeed ma aysan rabin inay lumiso aqoonsigeeda”. Sidaa ayay tiri Fatma Karume. ‘Hada waa nala liqayaa’. Intaa ayay raacisay.

Badi dadka kunool Zanzibar waa Muslimiin. Dalxiiska ayaa uu ku wanaagsan yahay dalkaasi asaga oo leh xeebo aad u qurxoon. Dhaqaalaha dalkaa waxaa asaas u ah kalluumeysi, ganacsi iyo beerafalasho.

Waxay caan ku tahay jaziirada Zanzibar ka ganacsiga badeecooyin badan oo ay kujiraan qorfaha iyo heylka oo aad uga soo go’a beeraheeda ayna dibada u dhoofiso lacag adagna ay kasoo xareyso sanad walba.