Faahfaahin Maxbuus Shabaab ah oo Afar Sarkaal Dilay

0

Nin la tuhunsan yahay inuu ka tirsanyahay kooxda Al-Shabaab oo lagu hayey saldhig ku yaalla galbeedka dalka Kenya, ayaa qori ka xoogay sarkaal booliis, islamarkaana dilay afar sarkaal, ka hor inta uusan dhowr maxbuus afduuban.

Booliiska ayaa hareeyey xabsiga oo ku yaalla Kapenguria, waxaana ay iminka isku dayayaan inay soo afjaraan is-marin waaga, islamarkaana sii daayaan maxaabiista, sida uu sheegay madaxa booliiska Kenya, Joseph Boinnet.

Boinnet ayaa sheegay in ninka uu isku dayey inuu baxsado markii uu toogtay saraakiisha booliiska, laakiin ay taas ka hortageen saraakiil kale oo durba gaaray saldhigga.

Ninka weerarka gaystay ayaa la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ee dlaka Soomaaliya.

Dhinaca kalena, madaxa booliiska Kenya ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan saldhig ku yaalla gobolka xeebta ee Kenya.

Waxa uu sheegay in booliiska ay iska caabiyeen weerarkaasi ayna dileen dhowr ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday hase yeeshee ma uusan shaacin tirada.