FAAHFAAHIN:- Al Shabaab oo Nin Hay’ad Ushaqeenayey ku Gowracay G/Hiiraan

0

War kooban oo aan ka helnay Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in lagu Gowracay Sargaal la sheegay inuu ushaqeenayey Hay’ad ka howlgaleysay Gobolkaasi.

Deegaanka Luuq Jeeloow Al Shabaabka kusugan ayaa la sheegay in ay qoor gooyeen Cali Santuur oo ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’ada Samafal Ee Wardi qaabilsana ka shaqeynta Arimaha Carruurta iyo Nafaqeyntooda.

Ehelada Marxuumka la gowracay ayaa xaqiijiyey geerida Cali Santuur waxaana uu  ka mid ahaa labaatameeyo qof oo loo yeeray inkastoo badankood dadkii Luuq Jeeeloow tagey ay Shabaabku soo cafiyeen.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Maamulka Degmada B/weyne iyo kan Gobolka Hiiraan oo looga hadlayo dilka loogeystay Sargaalkaasi ushaqeenayey Hay’ada Wardi ee Samafalka Gobolka Hiiraan ka shaqeeneysay.