DHAGEYSO XASAASI:- Ugaas Xasan”Intii aan Jowhar tagi laheyn waxaan aadeynaa Kilinka 5-aad iyo Galmudug”

0

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa maanta sheegay in intii ay ku biiri lahaayeen Maamulka loo sameynayo Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ay door bidayaan in ay  ku biiraan Ismaamulka Kilinka Shanaad Ee Soomaalida Itoobiya,Galmudug iyo Koofur Galbeed Midkood.

Ugaas Xasan ayaa hadalkaa u sheegay Qaar kamid ah Bulshada Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiin uu la hadlayay.

Dhawaan waxa Magaalada Baledweyne tagay Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo doonayay in ay Xal ka gaaraan Shirka Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,balse aysan Xal ka soo gaarin.

HALKAAN KA DHAGEYSO