DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Dowlada Soomaaliya oo fashilantay iyo Milkilaha Hotelka Maka Al-mukarama oo beeniyay in Qarax loo waday Hotelkiisa la qabtay

0

Iyadoo Saaka Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay sheegeen in ay Gacanta ku soo dhigeen Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa islamarkaana la doonayay in lagu Weeraro Hotelka Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa Warkaasi waxaa waxba kama jiraan ku Tilmaamay Milkilaha Hotelka.

Milkilaha Hotelka Maka Al-mukarama Gureey Xaaji oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa beeniyay in Ciidamada NISA ay qabteen Gaari Qarax lagu soo raray  oo loo waday Hotelkiis.

“Warkaas waa been aan Raad laheyn oo la doonayo in lagu Xumeeyo Sumcad Hotelka,waxaana ka dambeysa Siyaasad”ayuu yiri Gureey Xaaji.

Ha’yadda Nabad Sugidda ayaa Muqdisho Saaka ku soo baddhigtay  Gaariga ay sheegeen in Hotelka lagu Qarxin rabay iyo Nin gaariga lagu qabtay.

HALKAAN KA DHAGEYSO