DHAGEYSO WAREYSI:- Dowlada Soomaaliya oo Guulo ka sheegatay Dagaal ka dhacay Goof-gaduud

0

Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Baay, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi.

Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif oo ah Abaanduulaha guud ee ciidanka xoogga dalka ee Qeybta 60-aad oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dagaalka Shabaab ay soo qaadeen uu ahaa mid qorsheysan laakiin ay ka hortageen.

Abaanduulaha guud ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in khasaare badan ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Shabaab oo ay ka dileen 15 Askari, sidoo kalena waxa uu sheegay in dhankooda uu soo gaaray khasaare yar.

HALKAAN KA DHAGEYSO