DEG DEG+DHAGEYSO:- Dadka Naafada ah oo Banaanbax ku qabtay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho maanta waxaa Banaanbax ku qabtay Dadka Naafada ah ee ku nool Muqdisho, waxaana ay ku Banaanbaxeen Afaafka hore ee Wasaaradda arimaha Gudaha Soomaaliya.

Dadkan Naafada ah ee Banaanbaxa dhigay ayaa sheegay in Banaanbaxan ay kaga soo horjeedaan Wasaaradda Arimaha Gudaha oo aysan ka helin Deeqdii Gar gaarka aheyd oo dhowaan dowladda Turkiga ay u soo dirtay Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in Deeqda Gar gaarka ah ee dowladda Turkiga usoo dirtay Soomaaliya aysan sidii la rabay uqeybinin Wasaaradda arimaha Gudaha Soomaaliya.

Dadka Banaanbaxa dhigayay qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba uqaban dadka Naafada ah, sidoo kalena Wasaaradda Arimaha Gudaha si Musuq maasuq ah ay uqeybineyso Deeqda Gar gaarka ah.

Waxa ay sheegeen Banaanabaxan maanta ay dhigeen in uu hordhac u yahay mid kan ka weyn oo dhici maalinta Sabtida ah hadii cabashadooda wax laga qaban waayo.

Dhowaan ayay aheyd markii dowladda Turkiga ay Soomaaliya u soo dirtay Deeq Gar gaar ah , taas oo loogu talagalay dadka danta yar, waxaana Wasaaradda Arimaha Gudaha ay horey usheegtay in Deeqda ay qeyb qeyb ubixin doonto.

HALKAAN KA DHAGEYSO