Danjire Barrow oo warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Mozambique

0

Madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyus ayaaa maanta warqaaha aqoonsi safiirnimo ka gadoomay  Danjire Jamal Maxamed Barrow oo ah safiirka  cusub ee dowladda soomaliya ay u soo magacwday wadanka Mozambique .

Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa wuxu dhanbaal iyo salaanuu ka siday Madaxweynaha Dowlada fedralka ee Soomaliya mudne Xasan sheikh Maxamuud  gudoonsiyay madaxweynaha Filipe  Nyus

“Waxaan Salaan iyo dhambaal kaaga wadaa Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,Dowllada Soomaaliya iyo Shacabka intaba”ayuu yiri Danjire Jamal Barrow

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka Mozanbique,Filipe Nyus ayaa sheegay in Dowladiisu ay bilaabi doonto xiriir wanaagsan ay Soomaaliya la yeelato,waxa uu intaasi ku daray in Dowladii  Dhexe ee Soomaaliya ay xiriir Ciidan iyo mid Siyaasadeed dalkiisu uu la lahaa.

Dalka Mozambique waxaa ku dhaqan Somaali u badan ganacsato, kuwaas oo ku soo badanayay sanadihii ugu dambeyeeyay.