DAAWO: Taliye la jir dilay {Yaa loo dacwoodaa Dowlad kale ma joogtee?}

0

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah Agaasimaha iyo milkiilaha Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa Boggiisa Facebook ku baahiyey Sawirada Taliyaha saldhigga Booliska Afar Irdood Col. C/qaadir Axmed Shire (Mooto) oo sheegay inay jirdileen ilaalada taliyaha milateriga Soomaaliya Gen. Maxamed Aaden Axmed.

Akhri Qoraalka Abwaan Guure ku daabay Bartiisa & Sawirada
Yaa loo dacwoodaa dowlad kale ma joogtee?

Maanta Saldhiga Afar-irdood ee Degmada Xamar-weyne ayaan ku booqaday Taliyaha saldhigaas Col C/Qaadir Axmed shire (Matooto) oo Xalay ay jirdileen sida uu iisheegay ilaalada Taliyaha Milateriga.

Waxaan la yaabay taliye saldhig oo shaqadiisa wata oo labisan dharkii iyo derejadii ciidanka hadii dadweynaha hortooda lagu garaacay waa yaabe shacabkii xageey joogaan marasta yaa u maqan?

Sow xaaladu maaha
yaa loo dacwoodaa
yaase laga dacwoodaa
dowlad kale ma joogtee
mise waa isaga tumo hana u turin intuu toosayo sharcigu?

1 2 3