DAAWO SHIRKA JARAA’ID:- Yacquub Maxamed Cabdalla ”Madaxwayne Hadii aad Rabtid in lagu Amaano Saxida ka hormari inta aan lagu dhaliilin”.

0

Gudoomiye Kuxigeebkii hore ee degmada Gaalkacyo Siyaasi Yacquub Maxamed Cabdalla oo maanta iibsaday 4 bilood oo Xukun ah oo ay ku riday Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay xarigiisa kadib markii uu Xabsiga kasoo baxay.

Waxaa uu sheegay in uu Mahad ballaaran u jeedinayo Maxkmada oo uu sheegay inay aqoonsaday cadaysana Awooda hadalka iyo xariyatul qawlka kaas oo uu caddaynayo qodobka 14 aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

”Waxaa laygu xukumay 4 bilood oo Xarig ah si kasta Makmadu haw cuskato, balse waxaa jaanis la isiiyay inaan iibsado waana iibsaday, Waxaana ilaahay uga mahad naqayaa inaan hada xoriyadaydii haysto” Ayuu Yiri Yacquub Maxamed Cabdalla.

Waxaa uu sheegay in muwaadin nimadiisa iyo doorka uga aadan Puntlandernimada aysan waxba u dhimayn xariga, isagoona intaas ku daray in fikirkiisa iyo in la heli cadaalad ay tahay mid uu ar walba u dhaqdhaqaayo.

Ugu dambayntii Mahad ballaran ayuu u jeediyay Garsoorka Puntland iyo Bahda Warbaahinta Puntland.

HOOS KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE XUKUNKA KADIB