DAAWO SAWIRADDA:- Sida Al-Shabaab loogu soo dhoweeyey Marka

0

Waxaa degan xaalada magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose oo maalin ka hor ay la waregeen xoogag taabacsan Al-shabaab ka dib markii ay halkaas isaga tageen ciidamadii dowlada ee ku sugnaa.

Sawiro laga soo qaaday magaalada ayaa lagu arkayey shacab caruur u badan oo daba ordaya xoogaga Al-shabaab ee halkaas la wareegay.

Goobaha muhiimka ah ee bartamaha magaalada Marko iyo xarumihii maamulka ayaa waxaa gaaf wareegaya xoogaga Al-shabaab.

Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa caadi u shaqeynaya, inkastoo dadku ay ka baqayaan in ciidamada dowlada ay mar kalesoo rogaal celiyaan laguna dagaalamo dushooda sida marar badan horeyba u dhacday.

1 2 3 4 6 7 8