Ciidanka Somaliland oo Xiray Rag Kufsi wadareed u Geystay Gabar 7 Jir ah

0

Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Saddex nin oo kufsi wadareed kula kacay gabar 7 sano jir ah, falkaansna wuxuu ka dhacay magaalada Berbera.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil, Gaashaanle dhexe Mursal Xaaji Ciise ayaa kufsigaan ku tilmaamay mid laga xumaado oo murugo leh, wuxuuna sheegay saddexdaas nin in la horgeeyay sharciga oo kiiskoodii uu dhammaaday.
Taliyuhu wuxuu xaqiijiya in mid kamid ah lix sannadood lagu xukumay labadii kalena min laba sannadood ayuu sheegay in lagu xukumay.
Gaashaanle dhexe Mursal Xaaji Ciise isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay “Kufsi kale ayaa dhacay oo gabadh yar oo kale oo siddeed jir ah ayaa la kufsaday, nin baa kufsaday taasina booliska ayaa gacanta ku soo dhigey, ninkii jeelka ayuu ku jiraa waana gar-suge, isaguna xukunkii uun baa uu imika sugayaa.”