Barakac ka bilowday xadka Kenya iyo Soomaaliya

0

Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay ka barakacaan deegaanada ku teedsan xuduudda udhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan deeganada u dhaw dhaw magaalada Ceel-waaq.

Arintaan ayaa waxa ay ka danbeysay kadib marki ay dowladda Kenya ku amartay in ay ka guuraan 20 km dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya labadda dal ee deegaankaas.

Gudoomiye Kuxigeenka dagmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo, Sahal Macalin Aadan oo la soo xiriirey VOA-da la hadlay ayaa sheegay in Qoysas badan oo Soomaaliyeed ay bilaabeen in Barakac ka sameynayaan, isagoo sheegay in dowladda Kenya ku amartay in ay ka guuraan 20 km dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya labadda dal ee deegaankaas.

Qoysaska danta yar ee dowladda Kenya ay ku amartay in ay barakacaan ayaanan heysan meel u guuraan.

Dowladda Soomaaliya ayaana weli ka hadlin arintan ku aadan in Qoysas badan oo Soomaaliyeed ay dowladda Kenya ku amartay goobihii ay ka deganaayeen xuduuda udhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.