TOP:- Ruushka oo joojiyay Dalagyada laga dhoofiyo Soomaaliya

0

Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in ay hakisay guud ahaanba dalagyadda laga soo dhaafiyo dalka Soomaaliya,islamarkaana la soo marsiiyo dalalka kale ee caalamka.

Hay’adda la socodka xoolaha iyo sidoo kale khudaarta ee dalka Ruusha ayaa sheegtay in si qarsoodi lagu soo geliyo dalka Ruushka geed miroodyo laga soo dhoofiya Soomaliya oo uu ka mid yahay Tufaaxa .

Wakaalada Wararka ee dalka Ruushka ayaa ku warantay in hakintaan ay timid ka dib markii madaxda dowladda Ruusha ay ka war heleen in dalagyada laga keeno Soomaaliya ,lasoo marsiiyo dalal kale.

War lagu qoran wakaalada Wararka ee dalka Ruushka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaano TASS ayaa lagu sheegay in dowladda Ruushka ay ogashahay oo keliya in dalagyadda kasoo go’a Soomaaliya si toos ah loo keeno ,iyadoo aan la soo marsiin dalalka kale ee dunida.

Dhawaan xeer uu soo saaray madaxweynaha dowladda Ruushka ayaa ahaa inaan dalka lasoo gelin karin dalagyo soo maro gacan saddexaad ,madaam uu sheegay in ay muhiim tahay in dhaqaalaha  dalka Sare loo qaado.

Burburkii ka dib waa markii ugu horeysay oo dowladda Ruushku ay mamnuuco dalagyada ka soo go’a Soomaaliya.