TOP NEWS:- Duqa Gaalkacyo oo loolan adag loogu jiro.

0

Xili wali aan la shaacin liiska xubnaha rasmigaa ee Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa hadana waxaa magaalada Gaalkacyo siwayn looga dareemayaa loolan adag oo ku aadan maayarka degmada Gaalkacyo kaas oo ilaa hada 5 xubnood u sharaxan yahiin.

Duqa Gaalkacyo ayaa doorashadiisa ay tahay mid aad u xamaasad badan, waxaana lawada sugayaa wakhiga dhaarinta Goaha deegaanka iyadoona xiligaas wixii ka dambeeya la isla qaadanayo wakhtiga doorashada Duqa Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa ay dhacayso.

Hadal haynta ugu wayn waa doorashada Gaalkacyo ka dhacaysa todobaadka dambe sida qorshuhu yahay, waxaana loolanka ugu adag uu dhexmari doonaa 5 musharax ee u taagan Duqa Gaalacyo.