TOP DHAGEYSO:- Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo Arimo badan sir ah ka bixiyay Shirka loo Sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay diidan yahay qaabka ay Dowladdu u wado dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in odayaasha ay dowlada ka tabanaya in qaladaad fara badan oo ay muhiim tahay in laga qancyo si loo amba qaado dhismaha Maamulka ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xildhibaan C/llaahi goodax barre ayaa dowlada ugu baaqay iney ka shaqeyso qancinta odayaasha wax tabanaya si loo afjato caqabadaha hortaagan dhismaha Maamulka.

Shalay ayay ahayd markii wafdi ka socday Urur goboleedka IGAD ay gaareen Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO