TOP DHAGEYSO:- Fadeexad Taliyihii la Jir dilay oo Sir badan Fakiyey

0

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar Weyne Afar Irdood Cabduqaadir Axmed Shire oo manta Saxaafada qaarkeed kula hadlay Muqdisho ayaa ka warbixiyey dhibaatada jir dil ee loo geystay habeenimadii xalay aheyd.

Taliyaha waxa uu sheegay in nin uu magac dhabay kana mid ah Ilaalada gaarka ah Ee Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku jir dilay meel ku dhaw Isgoyska Taallada Xaawo Taako oo kasoo horjeeda Tiyaatarka Qaranka Ee Muqdisho.

Dhowr qodob ayuu Taliye Shire sheegay in laga tolay oo dhaawac soo gaaray madaxa jir dilka loogeystay awgeed isagoona baaq udiray Madaxda qaranka si ay uga fal celiyaan dhibka dhaawac ee loogeystay.

C/qaadir Axmed Shire waxa uu sidoo kale ka hadlay sababta loo jir dilay inay aheyd ninka dhibka gaarsiiyey in walaalkiis habeen hore la xiray isagoo qash qashaad sameenayey sidaana loogu aar gudayey.

Taliyaha Saldhiga Afar irdood C/qaadir Shire ayaa sheegay warkii kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga ee ku beeniyey istaafkiisa inay falkaasi sameeyeen isagana uu hayo Cadeymo in ciidankaasi hoostagaan Taliye Maxamd Axmed Buud oo ah Taliyaha Meliteriga Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO