TOP:- Ciidamada Kenya oo baadi goobaya Xubno Al Shabaab ka tirsan

0

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Kenya ayaa wada howlgallo lagu baadi goobayo Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii Al Shabaab ay Weerar ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada ammaanka Kenya, kuwaasi oo marayay Magaalada Lamu ee Dalkaasi.

Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Lamu, Joseph Kanyiri ayaa waxuu sheegay inkabadan 50 Ruux oo loo maleynayo Al Shabaab in ay ku dhuumaaleysanayaan Deegaano dhaca Magaalada Lamu.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Ciidamada amaanka ay soo qaban doonaan Xubno ka tirsan Al Shabaab oo dhawaan halkaasi weeraro kala duwan ka geystay.

Waxuu ugu baaqay Dadka Deegaanka in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka, si buu yiri looga hortago Weerarada qorsheysan ee Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Boqolaal ka tirsan Xoogaga Dowladda Kenya ayaa dhawaan la soo dhoobay Degaano dhaca Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo Al Shabaab ay wadaan weerarada ay fulinayaan qeybo ka mid ah Dalkaasi.