TOOS U DHAGEYSO:- Wasiirada maamulka Koonfur galbeed oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

0

Wasiirada maamulka Koofur Galbeed ayaa ka shiray amniga deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayey ka hadleen amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo sidoo kale la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaqiijiyo amniga deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale in Shabaab laga saaro deegaanada ay ka joogaan dhulka maamulka Koonfur Galbeed.

Ku Simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Maxamed Xasan Fiqi iyo sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.

HALKAAN KA DHAGEYSO