TOOS U DHAGEYSO:- Rag Al-Shabab la far muuqay oo laga raadinaayo degmooyinka hoostaga gobolka Bakool

0

Howlgallo gaar ah ayaa maalmahan waxa ay ka socdaan deegaanada iyo degmooyinka hoostaga gobolka Bakool, waxaana howlgaladaasi iskakaashanaya ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Deegaanada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa amnigooda hada ah mid wanaagsan, inkastoo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga.

Saraakiisha hogaamineysa howlgaladan ayaa Idaacadda Risaala usheegay in weerarada mararka qaar ka dhaca deegaanada Bakool in laga soo abaabulo goobaha weli ay ku harsan yihiin Shabaab.

Howlgaladan gaarka ah ayaa waxa ay ka socdaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Bakool.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ciidamo gaar ah ay diyaariyeen kuwaas dhowaan howlgallo ka dhan ah Shabaab ka bilaabi doona deegaanada maamulkaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO