Soomaaliya oo laga bilaabay Barnaamij waxbarashada Dadban

0

Wasaaradda wax barashada Soomaaliya ayaa manta daahfurtay barnaamij ka wax barashada dadban ee qorista iyo aqrista Afka Soomaaliga,kaasoo loogu tala galay iney ka faa’iideystaan dadka waaweyn.

Wasiirka wax barasha dowladda federaalka Soomaaliya Dr; C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa sheegay in barnaamikani lagu billaabi doono 400 qof oo u badan dumar.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in barnaamijkani uu la mid yahay Ololihii horumarinta reer Miyiga ee Todobaatanaadkii ka billowday dalka Soomaaliya.

Barnaamijkan oo haatan laga billaabayo Muqdisho ayaa dhawaan waxaa lagu baahin doonaa dhammaan gobollada Dalka  sida uu wasiirku sheegay,taasoo wax weyn ka tari doonto wax qoris iyo aqris la’aanta haysata in badan oo ka mida bulshada Soomaaliyeed.