Maxaa Sabab u ahaa Ciidamadii Dowlada ee isaga baxay Marka ?

0

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka iyo Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Abuukar Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dayacday Ciidankii dowladda ee dhawaan faarujiyay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenku xusay in Ciidamada ku sugnaa Magaalada Marka aysan helin xuquuqdoodii mushaaraadka in muddo ah taasina ay ugu wacneed ka bixitaankooda Magaaladaasi Marka.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa beeniyay in Ciidamada AMISOM ay ka baxeen Magaalada Marka isagoona carabka ku adkeeyay waxa baxay in Ciidamada dowladda kaliya ay yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay faarujiyeen Magaalada Marka iyadona ay la wareegeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.