Wasaaradda Waxbarashada oo sheegtay waqtiga lagu dhawaaqayo natiijada imtixaanka shahaadiga

0

Wasiirka wasaarada waxbarashada Soomaaliya Dr C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta kormeeray goobaha lagu saxayo imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkaan ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada Soomaaliya labo isbuuc kadib ay ku dhawaaqi doonto natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkaan ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Dr C/qaadir Cabdi Xaashi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa la dar daarmay macalimiinta saxaya imtixaanka, waxaana uu u jeediyey in ay u asxaan falaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan nasiibka u yeeshay in ay ka qeyb galaan imtixaanka ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta waxbarashada dalka, iyada oo masuuliyiinta wasaaradu ay wadaan dadaalo arintaasi ku aadan.